Bu,aale:C/llaahi Sh.Ismaaciil �Fartaag� oo la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday Dagaalkii Dhex maray Maleeshiyada hiiraale iyo kuwa Maxaakimta.
Dagaalkii weynaa ee maalintii shalay galinkeedii danbe kadhacay deegaanka Bu,aale ayaa sida lasheegayo waxaa gacanta lagu soo dhigay gaadiid dagaal oo badan iyo qaar kamid ah maleeshiyadii Barre Hiiraale oo boqol kor udhaafay.
Sidoo kale waxaa dhaawac halis lagu soo qabtay abaanduulihii hore ee isbahaysigii burburay ee dooxada jubba Col C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo markii lakeenay magaalada Bu,aale dhaawacaas ugeeriyooday. Dhinaca kale waxaa lasheegayaa in kala cararkii laqaqabtay xubno kale oo kamid ahaa masuuliyiinta sarsare ee horkacayay maleeshiya beeleedka Barre Hiiraale.
Dagaal Ooge Barre Hiiraale ayaa waxaa laga qabsaday ugu yaraan 25-gaari oo isugu jira kuwa dagaalka iyo kuwa kale oo u kamid yahay Gaarigii u khaaska ahaa Barre Hiiraale oo uu Cagaha wax ka dayay markii labada Ciidan ay is fara saareen.
Dagal ooge Barre Hiiraale ayaa iska cararay saaxiibadiis iyo gaarigiisii khaska ahaaba markii ay ciidamada maxaakiimtu kaga awood roonaadeen dagaalkii Bu,aale. Dhinaca kale maleeshiyadiisi ayaa qaarkood qoryahoodii lasii baqanayay oo xitaa aysan soo ridaynin meeshaasoo qaarkood kudhinteen kuwa kalena ay isasooo dhiibeen.
Meesha u kudanbeeyay dagaal ooge Barre Hiiraale ayaan illaa iyo hadda si fiican loo xaqiijin karin meesha u kusugan yahay iyadoo lagasoo xaqiijiyay inuusan weli gaarin magaalada Baardheere oo lafilayay in baqahiisa laga soo sheego.