Ka bixitaanka ciidamada dawlada ay isaga baxaan magaalada Buurxakabo ayaa waxay dad xog-ogaal ah kusheegeen inay mid sii muujinaysa tabar darida ciidamada dawllada FKS oo ay baqdin badan kaga timid awoodda ciidamada maxaakiimta oo maalmihii lasoo dhaafay isa soo dhoobay deegaanka Leego iyo Wanlaweyn oo aan sidaas uga fogayn magaalada Buurxakabo.
Sidoo kale waxaa cabsi weyn kusoo kordhisay awooda ay shalay ciidamada maxaakiimtu u adeegsadeen maleeshiya beeleedkii dagaal ooge Barre Hiiraale oo shalay cagta mariyeen, isla markaasna ay kasoo qabsadeen inta badan gawaaridiisi dagaalka iyo waliba saraakiishii ugu saraysay maleeshiyadiisa.
Dhinaca kale warar aan la xaqiijin jiritaankooda ayaa waxay sheegayaan in Barre Hiiraale laftigiisa xalay saqdii dhexe gacanta lagu soo dhigay isagoo dhaawac ah.
Iskusoo duuboo jiritaanka wararkan ayaa waxuu welwel iyo walbahaar hor leh usii kordhinayaan dawlada tagta daran ee M/weyne C/laahi Yuusuf isagoo soomaalida badan keedu u arkaan inuu yahay nin aan dan kalahayn danta ummada soomaaliyeed ee burbursan. Balse udhaga nugul maamulka dawladda Ethiopia oo iyagu aan marnaba ogolayn soo noqoshadii qarankii soomaaliyeed.