GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Kismaayo: Afhayeenka Maamulka Islaamiga ah ee Gobolada Jubbooyinka Abuu Zeynab oo kawarbixiyay Dagaalkii Maxaakimta iyo Barre.

Afhayeenka maamulka islaamiga ee gobollada Jubooyinka ayaa maanta ka warbixiyay jabkii lagu dhigay maleeshiyaadkii Barre Hiiraale iyo ciidamadii Tikreega ahaa ee xoojinayay,waxa uuna sheegay in ay ka qabteen 36 gaari oo 18 ka mid ah ay ahaayeen gaadiidka dagaalka,inta kalena ay isugu jireen gaadiid xamuul iyo kuwa yar yar ah.

Sheekh Ibraahim Shukri oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xaruntiisa magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay ka dileen maleeshiyaadka Barre Hiiraale tiro u dhaxeysa 42 ilaa 48 maleeshiyo,halka ciidamada maxkamadaha ay ka shahiideen 3 ruux,waxa uuna tilmaamay in sarkaal Tikree ah ay gacanta ku soo dhigeen,kaasoo qeyb ka ahaa 200 sarkaal oo sirdoon ah.

Abu Zeynab oo shirkiisa saxaafadeed kaga hadlay dhinacyo badan ayaa caddeeyay in aaney garaneyn meel uu jaan iyo cirib dhigay Barre Hiiraale oo jab lixaad leh lagu dhigay maleeshiyaadkaasi,waxa uuna sheegay in haatan xaalada ammaan ee gobollada JUbooyinka ay tahay mid laysku haleen karo kadib markii maleeshiyaadkii Barre Hiiraale laga sifeeyay gobollada Jubooyinka.

Waxa uu sidoo kale afhayeenka ka hadlay cabsida la sheegay in shaqaalaha gargaarka ay ka qabaan gobollada Jubooyinka,waxa uuna beeniyay ammaan darida laga sheegayo gobollada Jubooyinka.

Mar uu ka hadlayay wadamada dariska la ah Soomaaliya waxa uu sheegay in dawladda Kenya ay qadarinayaan,isla markaana ay diyaar u yihiin in ay kala hadlaan arrimaha xadka labada dal,waxa uuna ku eedeeyay dawladda Ethiopia in ay colaad ka hurinayso dalka Soomaaliya.

Afhayeenka maamulka islaamiga ee gobollada Jubooyinka ayaa shirkiisa jaraa'id waxa ay saxaafadu weydiisay su'aalo,isagoo uga jawaabay dhamaan su'aalihii la weydiiyay si saraaxad leh.

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com