Masuuliyiin xog-ogaal ah oo kusugan magaalada Godey ayaa warsidaha Godeynews u xaqiijiyay in maanta niskii hore ay diyaarad khaas ah kasoo duushay garoonka diyaaradaha Godey, taasoo kusii jeeda magaalada Baydhabo oo xarun ah DFK Soomaaliyeed.
Diyaaradda khaaska ah ee dawladda Ethiopia ay maanta kadirtay Godey ayaa sida dad xog-ogaal ah noo sheegeen ayaa loogu tala-galay in hadii uu dagaal kadhex qarxo ciidamada dawladda iyo kuwa MMI oo aan aad u kala fogayn lagu soo qaadi doono xubnaha ugu sareeya dawladda sida madexweynaha iyo raisul dawlaha.
Fariisinka dawladda FKS ayaa waxaa soo food saartay cabsi aad u weyn oo sababi karta in maalmahan soosocda dadka shicibka kaqaxaan maadaama dagaalku si fudud u qarxi karo, isla markaasna ay adeg tahay inuu istaago illaa qolo laga adkaanayo.
Maanta ayaa PM Zenaawi oo saxaafadda la hadlayay waxuu kusheegay in dawladiisii ay difaaci doonto fariisimaha DFKS, isla markaasna ay hadaba ciidamadaanadu kala joogaan meelo kala gedisan oo soomaaliya kamid ah.
Isku soo ururiyoo waxaad moodaa in labadan qolo ee maxaakiimta iyo Dawladdu ay adeg tahay inuusan dagaal dhexmarin waa hadii uusan imaanin jawi kagedisan jawiga hadda muuqda,