GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Faalo: Mustaqbalka C/llahi Yusuf iyo qoraalka diiwaanka taariikhda!

1978 ayay ahayd markii koox kamid ah ciidankii xooga dalka Somaliyeed oo ay horkacayaan Kornayl Ciro iyo Kornayl C/llahi Yusuf Ahmed ay isku dayeen afganbigii dhicisoobay ee looyaqaanay �Afganbigii 78dii�.

Afgabigaas oo raggii isku dayay intoodii badnayd la qabqabtay, marka laga reebo Kornayl C/llahi Yusuf oo markaas ahaa Taliyihii Qaybta 60aad fadhigiisuna ahaa Baydhabo. A/llhai Yusuf waxuu u baxsaday dalka Itoobiya oo markaas uu kasocday dagaalkii xoriyad doonka Somalida Ogaden ee lamagac baxay Dagaalkii Ogaden (dagaalkii 77).

Haddaba halkan waxaan ku soo ururinay qaar kamid ah danbiyadii, dibin daabyadii iyo khayaamooyinkii qaran ee Kornayl C/llahi Yusuf oo isagu isuyaqaana �Maquuste� ka galay dalka iyo dadka Somaliyeed 30kii sano ee la soo dhaafay:

1. Kornayl A/llahi Yusuf waxuu noqday ninkii ugu horeeyay ee Somali ah ee rida xabadii ugu horaysay ee qarankii Somaliyeed lagu burburiyay, waxuuna weeraro hubaysan ka soo qaaday dalka dibadiisa, isagoo jabiyay xeerkii iyo datuurkii qaranka iyo midkii ciidankii xooga dalka Somaliyeed, isagoo calanka Itoobiya ka taagay ciida Somalia!!!

2. Kornayl C/llahi Yusuf waxuu noqday sarkaalkii Somaliyeed ee ugu horeeyey ee bixiya sirta qarankii Somaliyeed iyo sirtii ciidankii Xooga dalka Somaliyeed. Sirtaas oo uu siiyay cadawgii waynaa ee ummada Somaliyeed oo ah Itoobiya.

3. Kornayl C/llahi Yusuf sida uu isaguba qirtay waxuu noqday ninkii ugu horeeyay ee rida xabadii cuntay Somaliya reebtayna dagaalka Sokeeye ee maanta xalka loo la�yahay! �Anniga ayaa bilaabay xabada sidan iddiin gashay, waxaanan ahay maquuste� ayuu yiri Kornayl C/llahi Yusuf oo qudbadiisii 1aad ka jeedinayay meel fagaara ah oo ku taala magaalada Jawhar ee gobolka Sh/Dhexe.

4. Dagaal Ooge C/llahi Yusuf waxuu ka qayb qaatay dagaalkii sokeeye ee Somalia halakeeyay, isagoo gumaaday dadkii uu ka dhashay ee reer Puntland oo uu kujiro walaalkiis ay isku bah yihiin.

5. Maquuste A/llahi Yusuf waxuu noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay ee Somaliyeed ee diida inuu tago caasimadii qaranka Somaliyeed ee Muqdisho!

6. Maquuste A/llahi Yusuf waxuu noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay ee Somaliyeed ee ay ku adeegato Itoobiya oo ah cadawgii waynaa ee Somaliyeed, iyadoo xarunta madaxtooyada Somaliya ay ka arimiyaan Aliflayaal Itoobiyaan ah.

7. Maquuste A/llahi Yusuf waxuu noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay ee Somaliyeed ee ku dhawaaqay in Somaliya gacanta loo galiyo ciidamo shisheeye!

8. Maquuste A/llahi Yusuf waxuu noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay ee Somaliyeed ee xafiiskii madaxtooyada ee Somaliya ka furtay Kenya oo ah dal shisheeye!

9. Maquuste A/llahi Yusuf waxuu noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay ee Somaliyeed ee ku sheegay Somalidu inay Argagixiso tahay!

Danbiyada uu Maquuste C/llahi Yusuf ka galay dalka iyo dadka Somalida Ogadenya:

1. Kornayl C/llahi Yusuf markuu isu dhiibay Itoobiya waxuu saxiixay in dhulka Somalida Ogadenya inuu yahay dhul Itoobiya ay leedahay, taasna lagu hir galin karo oo kaliya haddii Kornaylka lagu caawiyo doonistiisa inuu Somaliya burburiyo. Heshiiskan Kornaylku waxuu lagalay xukuumadii Dergiga ee uu hogaaminayay Mingistu. Heshiiskan waxuu dhacay 1979.

2. Mar labaad Kornayl C/llahi Yusuf waxuu dib u saxiixay heshiis 1979 ee dhigayay in dhulka Somalida Ogadenya inuu yahay dhul Itoobiya ay leedahay, taas baddal keedana Kornaylka lagu caawiyo doonistiisa ah inuu Somaliya madaxwayne kanoqdo ama uu burburiyo. Heshiiskan Kornaylku waxuu lagalay xukuumada hada jirta ee Meles Zanawi. Heshiiskan waxuu si isdaba joog ah u dhacayay sanadihii 1998 - 2004kii.

Haddaba waxaa isway diinle; ninka galay danbiyadan kor ku xusan iyo kuwa kale oo farabadan sidee buu Madaxwayne Somaliyeed ku astaahilay???

Jawaabtu waa Somaalida ayaa lagu imtixaamayay!!!

Waxaa la sheegay inuu Siyaad Barre yiri Jen. Caydiid na naftaydaan uga baqay, C/llahi Yusuf na Dalka iyo Dadka Somaliyeed ayaan uga baqay!

Maquuste C/llahi Yusuf waxuu lamid yahay Tukihii layiri �nasiib uu caano ku helo waa lee yahay, balse calaf uu ku cabo malaha�.

Maalintii imtixaanka Somalida ee C/llahi Yusuf layiri waa Madaxwayne Somaliyeed, C/llahi Maquuste waxaa lasiiyay ajandihii Somaliya lagu burburin lahaa iyo midkii madax-tinimadiisa lagu wiiqilahaa, balse iskama uusan garanin.

Maquuste waxaa ugu horayntii la dajiyay Jawhar. Reer Jawhar sifiican ayay usoo dhaweeyeen, balse Maquuste ma�calafsan ee sharaf daro ayuu kaga tagay iyo cagahiisa oo uu ku baxsado!

Hadaba maanta C/llahi �maquuste� waxuu kusugan yahay Baydhabo sida wararku sheegayaana qarka waxuu u saaran yahay in lagu dilo iyo inuu u cararo Itoobiya oo uusan dib uga soo laaban doonin!

Madaxwayne Maquuste waxii uu caadaystay ee ahaa qolo qolo iyo qabiil waa ay shaqayn wayday, madax-tinimadiisiina waxay ku jirtaa mugdi dhab ah!

Maquuste C/llahi Yusuf maanta waxuu taagan yahay dhamaadkii wadadii Dagaal Oogayaashu ay khaatumadu kaga dhuntay!

Akhristow ninka Jawhar maamuli waayay ee Baydhaba balaayada, iyo jabhadaynta kasoo abaabulaya Somaliya madaxwayne ma� ka noqon karaa?

Sheekha sharafta leh Sheekh Shariif ayaa u sheegay C/llahi Yusuf tolkii inay qabtaan, balse C/llahi tolkiis waa ka aamuseen arintaas, taasoo lagu micneeyay in tolkiis ka ducaysteen mar hore inuusan C/llahi dib ugu soo noqonin reer Puntland. Taasi waxay keentay inuu soo gaadhay dhamaadkii wakhtigiisii Baydhaba Janay!

Tolkiina uma maqna Taagna maleh Tigreena waa nacay!!!

Heesihii lagu canbaareeyay Maquuste C/llahi Yusuf xilliyadii dhibaatooyinkiisu soo ifbaxeen waxaa erayadoodii kamid ahaa:

- Kii dhuumanaayee dhabarku muuqdow waa dharaare yaadan dhumine dadkaadaa dhinac karaac!

- Waxay u barteen oo baryahaan lawaayey ayay baafinayaan!

- Inkastoo loo baaqo oo loo sheego barwaaqo dadbay meeli bugtaa!

C/llahi Yusuf markuu ahaa 45 jir iyo maanta oo uu yahay 80 jir uma kordhin caqli aan ahayn inuu u adeego cadawga ummada Somaliyeed!

Haddaba akhristow 30 sano kadib ayuu markii labaad C/llahi Yusuf qarka u saaran yahay inuu ka cararo Baydhabo, una baxsado Itoobiya, iyadoo lahubo markan in Kornaylku uusan dib uga soo laaban doonin Itoobiya!

GodeyNews Staff

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com