GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Kismaayo: Meesha ay kasoo jeedaan 3 Shuhadada ah ee ku shihiiday dagaalkii Dujuuma iyo waliba dadka iska leh baabuurta khaaska leh ee lafurtay!!!

Dagaalkii soo afjarmay ee udhexeeyay cidamada MMI Soomaaliyeed ee Jubboyinka iyo kuwa Barre Hiiraale ayaa sida laga war qabo waxaa maleeshiya beeleedkii Barre Hiiraale kaga dhintay dad fara badan oo inta laga warqabo tiradoodu udhexeeyso 48-60.

Halka Midowga Maxaakiimta ay kaga shahiideen 3 xubnood oo labo kamid ah ay kudhinteen rasaas kahaleeshay dagaalkii meesha midka kalena ay si kama ah ay ugu qaraxdey Miino uu kala furfurayay.

Wiilashan kashahiiday guutada Al-shabaab ee Midowga Maxaakiimta ayaan illaa iyo hada magac yadooda aanan helin, balse waxaa warsidaha Godeynews loo xaqiijiyay inay wiilashan kasoo kala jeedaan goballada Togdheer, Bakool iyo Jubada Dhexe oo dhamaantood kamid ah Jamhuriyada Soomaaliya.

Sida aan lasocono dagaalku waxaa lagu furtay gawaari dagaal iyo kuwa kale oo isugu jira xamul iyo kuwa lagu raaxaysto oo isugeyn lagu sheegay inay gaarayaan 36 gawaari ah oo ay 18 kamid yihiin kuwa dagaalka ee qoryuhu ku xiran yihiin.

Hadaba baabuurta lagu raaxaysto qaarkood ayaa waxaa kala ahaa dagaal oogayashan isa soo kaashaday waana kuwan magacyadooda;

1-Barre Hiiraale gaari Landcruiser VX (Daba-dhiibato) oo lacag cash ah, telefoonkiisa Thuraya iyo computero ay caartada dagaalka ay Askarta Ethiopianku ku hawl galayeen
2- C/rashiid Xidig gaari Qooqan 2 shirlay ah
3- Cabdi Shire Gaari Nissan Petrol
4-Yaasiin Raadar Gaari Nissan Petrol

Sidoo kale baabuurta waxaa kujiray baabur ay iska lahaayeen dad rayad ah oo baabuurtooda laga soo qafaashay iyagoo badeeeco keenay meelo kamid ah Gobalka Gedo, gaar ahaan magaalada Baardheere oo ahayd meeshii Barre Hiiraale kasoo abaabulay dagaalka lagu jabiyay.

Sarkaal kamid ah ciidamada maxaaakiimta Bu,ale ayaa sheegay in loo celin doono dadkii lahaa baabuurta rayidka ee qaarkood markii horeba qasabka looga soo qaaday.

Dhinaca kale magaalada Baydhabo ayaa xaaladu cirka isku shareertay kadib markii laga soo adkaaday maleehiyadii Barre Hiiraale oo ay hadana ciidamada midowga maxaakiimtu soo gaareen duleedka magaalada Baydhabo oo fariisan u ah dawladda taagta daran ee u madaxda kayahay C/laahi Yuusuf Axmed.

C/laahi Sheekh,
Godeynews.com
Kismaayo-Desk

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com