GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Afdheer.com
•Allpuntland
Dhanaan.com
Doollo
•Faafan.com
GedoNet.com
GodeyOnline
•Halgan.net
•Hiiraan.com
Jijigawe.com
markacadey
Ogaden.com
Ogadennews
OgadenSun
•PuntLandPost
Qabridahare
Qalaafe.com
RadioFana
Somaliwide.net
•Somalitribune
•Somaliweyn
•S/galbeed.com
•SomaliHerald
•SomaliTech
Somalistate
Wabishabeele

Wardheer
XamarNet
Xaajo.com

 
Other Links

Al-jazeera
IrinNews
Reuters
Guardian
The Times
WashtonPost

Aflax
Al-Islam
IslamCity
IslamicFinder
IslamOnline
IslamWay
Mpacuk.org

Reuters

 
Bu,aale: Gudoomiyaha Maamulka Islaamiga Jubbooyinka Sheekh Axmed Maxamed Islaam oo ka warbixiyay dagaalkii Barre Hiiraale lagu jibiyay iyo Ciidamada Midowga Maxaakiimta oo galabta gaaray magaalada Saakoow

Gudoomiyaha Maamulka Islaamiga ee Jubbooyinka Sheekh Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta weraysi dheer siiyay ideecada HornAfrik oo wax kawiidiisay qaabkii iyo sidii ay uga gulaysteen maleeshiyo beeleedkii Barre Hiiraale iyo Ethiopiankii lasocday.

Sheekh Axmed ayaa yiri " Waxaan nooga gargaaray Allah sababtoo ah anagu dulaan cidna kumaanan ahayn, kadibna waan jabinay awoodii oo dhib badan oo dhimasho iyo dhawaac leh ayaa dhinacooda kudhacay."

Dhinaca kale waxuu kaloo xaqiijiyay inuusan Barre Hiiraale labaxsanin hal gaari oo 36 gawaari ah laga qabsadey, isla markaasna uu lug kaga carary tuulada Dujuuma hadana lagu sheegayo inuu lug kugaaray deegaanka Baardheere. Isagoo sii watana waxuu yiri "hadi aan rabno waan sii baabin karay isaga iyo waxa lasocda, balse anagoo xeerinayna arimo badan oo bini aadinimo ah ayaan waxaan si qasad usiinay muddo saddex cisho ah inay dhawacooda ku urursadaan."

Galabtana waxay ciidamada maxaakiimtu gaareen magaalada Sakoow oo ah magaalada ugu shisheeysa gobalka jubbada dhexe oo naloogu sheegay inuu Barre Hiiraale kusugan yahay, balse markii aan gaarnay kuma aanan arag wax maleeshiyo ah oo ah haraagii maleeshiyada Barre Hiiraale.

Sheekh mar wax laga waydiiyay inay tagayaan Bardheere iyo inkale? waxu yiri " Baardheere waa meeshii dagaalka laga soo abaabulay, balse anagu matagno meel aan dadkeedu noo yeerin. Laakiin hadii aan dareeno in cadow iskusoo uruursanayo meel naga reeban majirto" Waxu kaloo kahadlay kooxda budhcadda ah ee lagu sheego deegaanka Beerxaani inay uqaban hayaan muddo kooban oo ay hubkooda kusuoo xareeyaan hadii ay sidaas sameyn waayaana talaabo adeg ayaan kaqaadeynaa maalmahan soo socda oo lamid ti Barre Hiiraale kudhacday.

Sheekha ayaa aad usoo dhaweyay xiriirka udhexeeya Kenya iyo goballada Jubbooyinka waxuuna sheegay inuu wada hadal iyo is afgarashona dhexmartay isaga iyo safiirka dawladda kenya u qaabilsan arimaha soomaaliya Amb Maxamed Cabdi Affey. Hadana markuu dhameeyo hal galadan ciidan oo uu dib ugu noqdo Kismaayo uu rejaynayo inuu gaaro xuduudka Kenya- Soomaaliya si uu arimaha amaanka iyo nabad galyada deegaanka ugala hadlo masuuliyiin kasocda gobalka waqooyi bari Kenya.

Gudoomiyaha maamulka Islaamiga Juubbooyinka maru kahadlayay in Baydhabo weerarayeen iyo inkale ayaa waxuu yiri " Baydhabo waa meesha uu Zenaawi kasoo abaabulayo dhibaatada iyo fidnida soomaalida dhextaala, hase yeeshee dadka deegaanka ayaan arintan uga danbaynaynaa hadana iyagaa kufilan. Laakiin hadii ay noo baahdaan inaan u gargaaro diyaar ayaan u nahay"

Iskusoo duduuboo wareysiga gudoomiyaha ayaa in badan oo caawa kadhageysatay Ideecada Horn Afrik ay aad ugu qanceen qaabka iyo sida waadax ah ee uu Sheekh Axmed uga waramay jabki Barre Hiiraale kasoo gaaray dagaalkii Dujuma iyo waliba sida hufan ee uu sharxay xiriirka waafiga ee uu rabo inuu dhexmaro labada shacab ee walaalaha ee kukala nool xududka labadiisa dhinaca ee Kenya iyo Soomaaliya.


C/laahi Sheekh,
Godeynews.com
Kismaayo.

PRINT THIS ARTICLE
�Godeynews.com

 



Make Godeynews default homepage 

Godey_Foundation
 
Maqaal / Aragti
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey 02 Nov 2024


Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa� 01 Nov 2024

BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf 28 Oct 2024

In Memory of the Dervishes of Somaliya. By Arte Moallin III 27 Oct 2024

Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali 27 Oct 2024

Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey 16 Oct 2024

GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid 13 Oct 2024

Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey 12 Oct 2024

Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi 12 Oct 2024

The Clumsy words from ogadenonline editorial board. By A Hassan 05 Oct 2024

Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo. 04 Oct 2024

Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq 01 Oct 2024

Taageerida xoogaga maxkamadaha ee la wareegay Jubbooyinka waa arin aan loo kala hareynin. [Qore: Ugbaad Cabdulaahi] 01 Oct 2024

Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]: 01 Oct 2024

Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame. 30 Sep 2024

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 Next >>

 

 

     
       

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com