Baydhabo: Shirkii Golaha Wasiirada DFK Soomaaliyeed oo iskumari waayay in dawladu sii joogto Baydhabo iyo inay u guurto Garbahaarey ama Godey;
Warar xog-ogaal ah oo kusugan magaalada Baydhabo ee xarunta u ah dawlada Soomaaliya ayaa warsidaha Godeynews u xaqiijiyay in shirkii golaha wasiirada ee shalay iyo kii ka horeeyay ee uu m/weyne C/laahi Yuusuf ka qayb qaatay laisku mari waayay qodobo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen sii joogista dawladda magaalada Baydhabo.
Qodabadan guurista ah ayaa waxaa soo jeediyay sarkaalka Ethiopianka ah ee kusugan magaalada Baydhabo isagoo usheegay golaha wasiirada inaysan dawladu fadhin karin magaalada Baydhabo maadaama ay maxaakiimta ciidamadoodu ay magaalada usoo jiraan wax kayar 18km.
Sidoo kale waxuu soo jeediyay in dawladda Ethiopia ay diyaar ula tahay dawladda hadii dagaal kharxo in M/weynaha ay si kumeel gaar ah udejiso magaalada Godey, isla markaasna uu m/weynuhu si fudud oo nabad galyo ah ula socon karo kolba waxuii soo cusboonaada.
Laakiin arinkaas waxaa kahor yimid xubno fara badan oo kamid ah golaha wasiirada iyagoo sheegay haduu mar madaweynahu wadanka kabaxo iyadoo dagaal socdo inay dawladnimidii meesha kabaxayso, islamarkaasna ay u muuqanayso in la eryaday oo xukunkii lagala wareegay.
Waxay xubnahaas soo jeediyeen in dawladda qeybteeda muhiimka ah oo u mdaxeweynaha iyo raisul wasaaraha ay kamid yihiin loo raro magaalada Garbahaarey oo ah magaalada madaxda gobalka Gedo oo xuduud la wadaagta labada wadan ee Kenya iyo Ethiopia oo labuduba taageeraya dawladda FKS.
Dhinaca kale waxaa gobalka Gedo laga soo sheegayaa in maalmihii lasoo dhaafey uu dayactir kasocday garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka Baardheere iyo Gedo, balse waxaan illaa iyo hadda sugnayn in dayactirkan garoomadan ay laxiriirto guurista dawladda iyo inay tahay arin kale oo sideeda usocota oo ay ganacsato deegaanka ah ka danbeeyaan.
Iskusoo uruuriyoo laga soo bilaabo maalintii Embakathi lagu soo dhisay dawladda uu madaxweynaha kayahay C/laahi Yuusuf iyo maanta oo 2 sano kor u dhaaftay waligeed kama aysan dhamaanin qas iyo jahwareer aan daba dhamaanaynin oo inta badan soomaalidu ku eedayso inay kadanbayso dawladda Ethiopia oo iyadu dano gaar ah kaleh soomaaliya, isla markaasna aan marnaba ogolayn qaran soomaaliyeed oo dib usoo noolaada.