Kismaayo: Maamulka Islaamiga ah ee Goboladda Jubbooyinka oo Maanta si rasmi ah u Furay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.
Maamulka islaamiga ee gobolka Jubooyinka ayaa maanta si rasmi ah u furay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo,halkaasoo maanta lagu qabtay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayo furitaanka garoonka diyaaradaha.
Maamulka islaamiga ee gobollada Jubooyinka ayaa horey ugu guulaystay furitaanka dekada magaalada Kismaayo,waxa uuna furitaanka garoonka u suura gelinayaa bulshada ku dhaqan gobollada Jubooyinka in ay helaan adeegyadii garoonkaasi uu u qaban jiray.
Maareeyaha garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo Axmed Gaarane ayaa ka sheegay xafladaasi in ammaaanka garoonka uu yahay mid laysku haleen karo, diyaaraduhuna ay u furan tahay in ay ku soo degtaan garoonka diyaaradaha.
�Maanta laga bilaabo garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo wuu furan yahay,waxaana u sheegaynaa shirkadaha duulimaadyada in ay adeegsan karaan garoonka,ammaankiisa uu yahay mid aad u heer sarreeya� ayuu yiri Gaarane.
Shacabka ku dhaqan gobollada Jubooyinka ayaa soo dhaweeyay furitaanka garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo,ayagoo ku warramay in furitaanka garoonka uu wax weyn ka badali doono nolosha shacabka gobollada Jubooyinka.