Muqdisho: Madaxa Amaanka Maxkamadaha oo sheegay in ciidamo Ethiopian ah oo qaba labiska ciidamada Kenya lasoo dhoobay xuduudka Soomaaliya iyo Kenya
Madaxa ammaanka maxkamadaha Islaamka Sh. Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde oo manta shir jaraa,id kuqabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamo Ethiopian ah oo loo geliyay dharka ciidamada Kenya ay joogaan xadka udhexeeya Soomaliya iyo Kenya.
Sheekh Yuusuf Indhacade ayaa sheegay in ciidamo badan oo iskudhar qaba iskuguna jira Kenyan iyo Ethiopian lasoo dhoobay xauduuda labada wadan ee Soomaaliya iyo Kenya. Ciidamada Ethiopianka ayaa isku qarinaya dharka ciidamada Kenyaanka iyagoo xitaa isticmaalaya gawaarida dagaalka ee wata astaanta ciidamada milatariga Kenyanka.
Mar wax laga waydiiyay sida uu ku ogaaday arinkan ayaa waxu kujwaabay sidan; "Arimahan waxaa noo soo xaqiijiyay ilaalooyin kala gedisan oo katirsan sirdoonka ciidamada midowga maxaakiimta."
Dhinaca kale Sheekh Yuusuf Indhacade ayaa ugu baaqay shacabka Kenya inaysan marnaba kuciyaarin nabad-galyadooda oo aysan lamid noqonin nabad-galyo xumida haysata Ethiopia o ay iyadu ay cagaheeda kukeensatay. Arintan hadii ay siisocotana waxay keeni kartaa inaad waydaan xasiloonida iyo nabadda aad hadda heystaan.
Tan iyo xilligii ay maxkamadaha la wareegeen talada gobolka Jubbooyinka ayaa waxaa soo kordhayey diyaar garowga iyo dhaqdhaqaaqa ciidamada Kenya ka wadaan xaduuda iyadoo Kenya ay sheegtay in xaduudeeda ay aad ammaankeeda u sugayso.
Illaa iyo hadda Majiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya in ciidamo Itoobiyaan ah oo wata dharka ciidamada Kenya ay halkaas joogaan, iyadoo dowladda Kenya aaney arrintan weli ka hadlin.