Dhinaca kale dadka udhaqan magaalada Buurxakabo oo ah meesha furinta u ah labada ciidan ayaa waxaa soo food saartay cabsi iyadoo ay boqolaal kamid ah ciidamada maxaakiimtu ay kusii qulqulayaan degmada Buurxakabo oo isla maantana meel aan kafogayn ay ciidamada maxaakiimtu kutijaabiyeen sawaariikhda dagaalka.
Iskusoo uruuriyoo waxaad moodaa in labada qolo ay isu diyaarinayaan qaban qaabadii dagaal ee ugu danbaysay, balse uun lasugayo cidda yeelan doonto gacan qaadka hore iyo awooda u yeelan karo.