Kismaayo: Cidamada Amniga Goballada Jubbooyinka oo fashiliyay qorshe lagu kicinayo beesha Hartiga ee kudhaqan Kismaayo!!!
Warar aan wali lashacaanin oo warsidaha Godeynews kasoo gaaraya dad xog-ogaal ah oo kusugan magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inay fashiliyeen qorshe ay kadanbeeyeen M/weyne C/laahi Yuusuf iyo Cadde Muuse oo lagu doonayay in kacdoon lagu galiyo qaar kamid ah shacabka kudhaqan magaalada Kismaayo, kadib markii uu burburay kii qaqable Barre Hiiraale
Qorshahan fashilmayay ayaa waxa kadanbeeyay M/weyne C/laahi Yuusuf iyo Cade Muuse M/weyne maamul gobaleedka Puntland oo labadubu ay ka go,antahay inay si dadban qalaalaso iyo rabshado uga ridaan magaalada Kismaayo, iyagoo hadda kahor waxay dhaqaale iyo hub hayeenba soo siisayay Qaqable Barre Hiiraale oo lagaga adkaaaday dagaalkii Dujuma iyo Saakoow.
Cade Muuse iyo C/laahi Yuusuf ayaa soo diray 7 nin oo wata lacag fara badan kuwaasoo lagu soo yiri soo abaabulo dadka Hartiga ah ee kudhaqan Kismaayo iyo hareeraheeda, kadibna isgaashaan buuraysta idinka iyo waxii kaharay haraadigii Barre Hiiraale.
Ciidamada Amniga Jubbooyinka ayaa in mudo ahba kawar hayay 7 nin iyo waxa ay kudhexjiraan, iyagoo inta badan kuhayay ilaalo qarsoon, isla markaasna sugayay qaabka iyo sida ay rabaan inay u howl galaan.
Ciidamada Amniga Jubbooyinka ayaa maanta iyaguna u baxay inay gacanta kusoo dhigaan xubnahas calooshood u shaqeystayaalka kalana soo wareegan waxii hanti ah ee gacantooda lagu qabto ee loogu tala galay in amniga jubbooyinka lagu wax yeeleeyo.