Wilson-Airport: Diyaaradii siday waftidii balaarnaa ee maamulka islaamiga jubbooyinka oo saacad kahor kasoo duushay Wilson Airport
Diyaaradii illaa iyo shalay kuxanibneed Nayroobi ee ay saareeyaan waftigii ballaarnaa ee uu hogaaminayay gudoomiyaha maamulka islaamiga goballada jubbooyinka Sheekh Axmed Sheekh Maxamed Islaam ayaa qiyaastii saacad kahor kasoo duushay garoonka diyaaradha ee Wilson Airport kuna soo jeeda magaalada Muqdisho.
Diyaaradan ay saareeyaan waftiga maamulka islaamiga goballada jubbooyinka ayaa iyadoo usocota magaalada muqdisho kudegtay garoonka wilson Airport, kadib markii ay habeen noqotay oo u pilotka diyaarada usurtawbi weyday inuu ku dejiyo garoonka diyaaradaha muqdisho.
Waxaa magaalada Muqdisho kasocda diyaar garoow lagu soo dhaweynayo wafdiga maamulka islaamiga ee gobollada Jubooyinka ayaa haatan waxa ay ka socotaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho,halkaasoo ay soo caga dhigan doonto diyaarada sida wafdigaasi oo xalay ku hoyday hotelka Grand Rigency ee magaalada Nairobi.
Muftiga Kenya Sheekh Maxamed Macalim Umal iyo siyaasiyiin kale oo ay kamid yihin Amb Maxamed Cabdi Affey, Faarax Macalim Dawaara iyo Ilyaas Barre Shiil ayaa dadaal weyn u galay sidii degdeg loogu fasaxi lahaa diyaaradda, isla markaasna loogu fudideyn lahaa hawlaha waftigan oo cilad xagga farsamada ah uga soo dagay garoonka Wilson Airport.