Baaq ka soo baxay jaaliyadda Absame ee Australia oo ku wajahan sii deyntii diyaaradii siday waftigii maamulka islaamiga ee gobollada Jubooyinka .
Anagoo ku hadlayna magaca jaaliyadda Absame ee Austrlia, waxaan mahadnaq aad u balaadhan u celinaynaa dhamaanba intii ka qayb qaadatay sii dayntii waftigii midowga maxakamadaha islaamka ee jubooyinka oo uu hogaaminayey gudoomiyaha maxkamada ee Jubooyinka Sh Axmed Maxamed Islaan (Axmed-madoobe) oo ku xayirnaa magaalada Nairobi ee wadanka Kenya kadib markii diyaaradii ay saarnaayeen cilado jiray awgeed ay ku soo degtay garoonka diyaaradaha ee Nairobi.
Waxaanu si gaar ah ugu mahadcelinaynaa dhamaan masuuliyiinta Soomaalida Keenya, culumawdiinka, ganacasatada, indheergaradka, cuqaasha iyo bulshada inteeda kale oo kaalin wax ku ool ah ka gaystay muujiyeyna geesinimo iyo wax qabad surtagaliyey in waftigii maxkamdahu ay ku noqdaan Soomaaliya iyagoo badqaba.
Waxaa iyaduna xusid mudan doorka ay dawladda Kenya ka qaadatay arinkan, taas oo ahayd mid ku dayasho leh oo looga baahan yahay in ay ku daydaan dowladaha kale ee dariska la ah Soomaaliya taas oo keeni karta isku soo dhawaansho, deris wanaag iyo isfahan ka dhasha dawladaha deriska ah.
Waxaa iyaduna lama iloobaan ah midnimadii, dareenkii iyo taageeradii ay muujiyeen jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee Soomaalinimada jecel ee ku kala baahsana aduunka, mudadii yareyd ee uu waftigu ku xayirnaa Kenya.