Kulan u dhaxeeya xubnaha Baarlamaanka Muqdisho iyo Mas�uuliyiinta Maxkamadaha Islaamiga ayaa ka socda Beerta dalxiiska ee Afgooye.
Kulan u dhaxeeya xubnaha Baarlamaanka Muqdisho oo uu horkacayo Shariif Xasan Sh. Aadan iyo Mas�uuliyiinta Maxkamadaha Islaamiga ee labada golle (gollaha fulinta iyo gollaha Shuurada) ayaa ka socda Beerta dalxiiska ee Afgooye.
Safarka Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa saan saan nabadeed muujinaya, iyadoo si diiran oo xarfadaysan loogu soo dhaweeyay caasimada Muqdisho. Dadka siyaasada odorosa waxay saadaalinayaan in Shariifka lagafilaayo inuu heshiis lagaadho masuuliyiinta Maxaakiimta, iyadoo lawada ogyahay in labadii jeer ee Shariifku uu hogaaminayay waftigii dawlada ee Khartuum in Shariifku si fudud ugu guulaystay inuu heshiis lagaadho wafdigii Maxaakiimta.
Wararka kasoo baxaaya Muqdisho waxay sheegayaan inuu jiro jawi yididiilo iyo nabad horseedi kara inuu soo ifbaxaayo, waa haddii dhinaca Baydhaba laga soo dhaweeyo midhaha safarka Shariifka, iyadoo aan raja wanaagsan laga qabin in qolada Baydhaba ay fahmaan xaalada dalku kusugan yahay maadaama aysan taladu gacantooda ku jirin!