Hogaamiyaasha Maxaakiimta iyo wafdigii kasocday dawlada KMG ee uu hogaaminayay Guddoomiyaha Barlamaanka Shariif xasan Sheekh Aadan ayaa shir hordhac ah waxay maanta ku yeesheen degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.
Wadahadalkii maanta oo ku dhacay jawi walaaltinimo iyo mid Somalinimo ayaa lagu gaadhay heshiis hordhac ah, si loo hanto sharaftii iyo qaranimadii ummada Somaliyeed.
Heshiiska hordhaca ah waxuu dhigayaa sidan: 1. In gudi farsamo oo labada dhinac ah si degdeg ah loo qabto. 2. In heshiiskii Somalida kaga bur buray Khartuum dib looga furo gudaha Somaliya, loona badan yahay Xamar. 3. In qadiyada Somaliya aysan cidkale xalin karin, sidaa awgeed arimaha dib u heshiisiintu waa inay Somalida oo kaliya ku koobnaato, cid ajnabi ahina aysan soo dhexgali karin.
Gudoomiyaha Gudiga Fulinta Maxaakiimta Sheekh Shariif oo ka hadlay kulankaas ayaa sheegay in Maxkamadaha Islaamigu ku talagalkoodu uu yahay in wadahadalka lagu gaaro natiijo wanaagsan oo ummadda Soomaaliyeed ay isugu timaado, isagoo tilmaamay in dowlad aan heysan taageerada shacbigeeda aanay shaqeyn karin, dowladda KMG ahna taageeradeeda shacabka waxay ku dhumisay la joogitaankeeda Itoobiya.
Sheekh Shariif waxuu ku amaanay Guddoomiyaha Barlamaanka Shariif xasan Sheekh Aadan dadaalka nabada ee uu mar walba u taagan yahay.
Sheekh Shariif waxuu sheegay in guulaha maxkamadahu ay keeneen inaysan iyaga u gaar ahayn ee ay tahay mid u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed loonabaahan yahay in si wada jir ah looga tashado sidii loo maamuli lahaa, mana jirto buu yiri ajando gaar ah oo maxkamadaha islaamka ay wataan.
Sheekh Shariif Sh. Axmed waxuu Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Guddoomiyaha gollaha Shuurada gudoonsiiyay min hal Kitaab Qur�anka, wuxuuna ugu baaqay Guddoomiyaha Barlamaanka KMG inuu kitaabka Alle wax ku hoggaamiyo.
Guddoomiyaha Barlamaanka KMG Shariif xasan Sheekh Aadan ayaa isna hadal ka jeediyey kulankaas, wuxuuna ugu horreyn Maxkamadaha Islaamiga uga mahad celiyey nabadda ay ku soo dabaaleen caasimadda Muqdisho oo uu sheegay in xilligii uu joogay hub iyo gawaari dagaal lagu ilaalinayay haatanna iyadoo aan wax hub ah lagu ilaalineynin ay Muqdisho dhex mushaaxi karaan, meeshii ay doonaana ka mari karaan.
Guddoomiyaha Barlamaanka KMG Shariif xasan wuxuu xusay in magaalada Baydhabo ee dowladdu ay degan tahay hub la isku ilaaliyo halka Muqdisho oo dowladu aanay joogin hub la�aan lagu marayo.
Guddoomiyaha Barlamaanka KMG Shariif xasan waxuu sheegay in wadahadalkani uu fure u yahay dib u heshiisiinta, isla markaana kulankani uu yahay mid isbarasho iyo mid kulamo kale loogu daah furayay oo guddiyo howsha sii wada la dooranayo.
Guddoomiyaha Barlamaanka KMG Shariif xasan ayaa sidoo kale Maxkamadaha u soo jeediyay in aan la luminin fursada aqoonsiga dowladda KMG ay heysato, isagoo sidoo kale ku baaqay in la kala qaado laba ciidan ee Maxaakiimta iyo dowladda KMG isku hor fadhiya Gobolka Bay.
Guddoomiyaha Barlamaanka KMG Shariif xasan waxuu yiri �Aniga haddii aan amri lahaa kuwa dowladda KMG waxaa laga yaabaa in ay ii hoggaansami waayaan, balse idinka ayaa go�aan gaari karee kuwiina inaad ugu horeyn qaadaan ayaan idiinka codsan lahaa, si dadka reer Baydhabo u helaan waxyaabaha daruuriga ah ee ay u baahan yihiin sida shidaalka iyo wixii la mid ah�.
Xubnaha Golaha Maxaakiimta ee kulankaas ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Sheekh Xasan Daahir Aweys, Dr. Cumar Iimaan Abuubakar, Sheekh C/raxmaan Janaqow, Sh. C/qaadir Cali Cumar, Prof. Ibraahim Xasan Caddow, Sheekh Yuusuf Indha-cadde, iyo Maxamed Ibraahim Bilaal mas�uuliyiin kale, halka xildhibaanada dowladdana ay ka mid ahaayeen Cumar Xaashi Aadan, Maxamed Cabdi Yuusuf, Yuusuf Dheeg, Prof. Maxamed Aadan Ibraahim (Ibbi), Eng. Yuusuf Geydh, Prof. Dufle, Fowsiyo Maxamed, Caasho Axmed Cabdalla iyo xubno kale oo farabadan.
Fadlan GodeyNews kala soco waxii kasoo kordha siyaasada iyo Somalida maanta.
GodeyNews Staff
|